Iiraan oo ku hanjabtay in ay soo bandhigi doonto awood aan horey loo arkin
Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ka digtay in Iiraan weli aysan muujin inta badan awooddeeda, iyagoo yiri: “Haddii dagaalku sii socdo, waxaan soo bandhigi doonaa awoodo uusan cadowgu ogeyn,” sida ay sheegeen.
Sida ay warbaahinta Iiraan sheegtay, afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Xussein Mohebi, ayaa sheegay in Iiraan ay soo bandhigi doonto xeelado dagaal oo “casri ah” oo cadowgu awood aad u kooban u yeelan doono inuu kaga hortago, sida uu afhyeenku ku dooday.




