Nuxurka hadaladii madaxweyne xigeenka Maraykanka ka sheegay shirkiisii jaraa’id ka hor safarkiisa

Ku-xigeenka Madaxweynaha Mareykanka JD Vance ayaa hadda ka duulay dalka Pakistan, ka dib wadahadallo dheer oo xasaasi ahaa oo uu la yeeshay Iiraan, kuwaas oo ku guuldareystay inay horseedaan heshiis nabadadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Vance oo ay garab taagnaayeen Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff iyo wiilka uu sodogga u yahay Trump ahna la-taliyaha Aqalka Cad Jared Kushner, ayaa la hadlay xubno ka tirsan saxaafadda ka hor int aanu bixin.

Halkan waa qaar ka mid ah qodobbadii ugu muhiimsanaa ee shirka jaraaโ€™id:

  • Wuxuu sheegay in 21 saacadood oo wadahadallo nabadeed ah oo ka dhacay Islaamabaad ka dib, Mareykanka iyo Iiraan ay ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis lagu joojinayo dagaalka.
  • “Waxaan la yeelanay Iiraaniyiinta wadahadallo dhowr ah oo dhaxalgal ah, taasina waa warka wanaagsan. Warka xunse waa inaanan gaarin heshiis, waxaanan u malaynayaa in taasi ay u xun tahay Iiraan in ka badan inta ay u xun tahay Mareykanka,” ayuu yiri Vance.
  • “Runtii uma suuragelin inaan gaarno xaalad ay Iiraaniyiintu ku aqbalayaan shuruudaheenna,” ayuu raaciyay.
  • Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale muujiyay qadarinta uu u hayo Raโ€™iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo Field Marshal Asim Munir, isagoo yiri “caqabad kasta” oo ku timid wadahadallada “kuma imaan reer Pakistan, kuwaas oo qabtay shaqo cajiib ah.”
  • Wuxuu ahaa shir jaraa’id oo kooban iyadoo weriyayaashu ay weydiiyeen dhowr su’aalood oo kaliya.
  • Markii la weydiiyay awoodda Nukliyeerka ee Iiraan, Vance wuxuu ku jawaabay in ka hortagga dalkaas si uusan u helin hubka Nukliyeerka hadda iyo mustaqbalkaba ay tahay “yoolka koowaad” ee Madaxweyne Donald Trump.
  • Wuxuu intaas ku daray in Trump uu si firfircoon uga qeyb qaatay wadahadallada, isagoo sheegay inuu madaxweynaha la hadlay inta u dhaxeysa “lix jeer” ilaa “toban iyo laba jeer” muddadii ay wadahadalladu socdeen.
  • “Waxaan halkan uga tegaynaa soo-jeedin aad u fudud, taasoo ah hab lagu fahmayo in kani yahay dalabkayagii ugu dambeeyay ee ugu fiicnaa. Waxaan arki doonnaa haddii Iiraaniyiintu ay aqbalaan,” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker