Trump ka hor wadahadalada Pakistan: Marinka Hormuz wuxuu furmi doonaa goor dhow
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay weriyeyaasha, in marin-biyoodka Hormuz la furi doono dhawaan.
Markii la weydiiyay waxa uu u sheegay ku-xigeenkiisa, J.D. Vance, ka hor safarkiisa Islamabad ee wadahadallada xabbad-joojinta, wuxuu yiri: “Waxaan u rajeeyay guul.”
Mr. Trump wuxuu sheegay inuusan hubin in wadahadallada Mareykanka iyo Iiraan ay ku dhammaan doonaan hal wareeg ama ay sii socon doonaan toddobaadyada soo socda. Markii la weydiiyay haddii uu jiro qorshe kale, wuxuu yiri: “Looma baahna qorshe kale.”
Weriyayaal kale ayaa weydiiyay waxa uu u arko heshiis wanaagsan oo lala gaaro Iiraan.
Mr. Trump wuxuu ku jawaabay: “Inaanay jirin hub nukliyeer ah,” isagoo intaas ku daray inuu aaminsan yahay in isbeddel nidaam uu horey u dhacay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in marin-biyoodka Hormuz la furi doono “si dhakhso ah” iyada oo lala kaashanayo Iiraan ama la’aanteed, inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in Mareykanku uusan u baahnayn.
Isagoo ka jawaabaya wararka sheegaya in Iiraan ay qorsheyneyso inay lacag ka qaaddo maraakiibta mara marin-biyoodkaas, Mr. Trump wuxuu yiri: “Ma oggolaan doonno inay taasi dhacdo.”




