In ka badan 256,000 oo codbixiye oo u dareeray codbixinta doorashada madaxtooyada Jabuuti
Dalka Jabuuti ayaa maanta looga dareeray codbixinta doorashada madaxtooyada oo si weyn loo saadaalinayo in uu ku guulaysan doono Madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle, oo doonaya inuu markiisii 6aad sii hogaamiyo dalkaas.
Codbixintan oo bilaabatay saaka ayaa waxaa xaq u leh in ay ka qayb qaataan in ka badan 256,000 oo codbixiye. Geelle, oo 78 jir ah, ayaa wajahaya hal musharrax oo keliya, Maxamed Faarax Samatar, oo hoggaamiya xisbiga Unified Democratic Centre (CDU), kaas oo aan wax kuraas ah ku lahayn baarlamaanka dalka.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in goobaha codbixinta qaar ay dib u dhaceen furitaankooda, halka qaar kalena laga dareemayay ka qaybgal hoose saacadihii hore ee saaka. Xarunta caasimadda Jabuuti, qaar ka mid ah goobaha codbixinta ayaa si tartiib ah u shaqo bilaabay.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo dalka xukumayay tan iyo 1999-kii kadib markii uu xilka kala wareegay madaxweynihii aasaasay dalka Xasan Guuleed Abtidoon, ayaa hore ugu guulaystay doorashadii 2021 isagoo helay ku dhowaad 98% codadkii la dhiibtay.
Dhinaca kale, ururada xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay dowladda Jabuuti in ay xaddiday xorriyadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka, inkasta oo dowladdu ay eedahaas si adag u beenisay. Tan iyo 2016-kii, qaar ka mid ah xisbiyada waaweyn ee mucaaradka ayaa qaaddacay doorashooyinka.
Doorashadan ayaa sidoo kale waxaa kormeeraya ururo caalami ah oo ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Jaamacadda Carabta, kuwaas oo la socda habsami u socodka codbixinta. Geelle ayaa ololihiisa doorashada ku salaynaya ilaalinta xasilloonida dalka, isagoo sheegay in Jabuuti ay ku guulaysatay in ay ilaaliso nabad “xilli ay gobolka ka jiraan qalalaase iyo xasillooni darro”.
Dalka Jabuuti ayaa sidoo kale ah xarun istaraatiiji ah oo ay ku yaallaan saldhigyo milatari oo ay leeyihiin dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Faransiiska iyo Shiinaha, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee caalamku daneynayo amniga iyo ganacsiga Badda Cas iyo marinada caalamiga ah.
Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada ayaa la filayaa in la shaaciyo caawa ama subaxda Sabtida, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka dalka.




