Xukuumadda Somaliland Oo Go’aamo Adag Ka Soo Saartay Dagaal Beeleedkii Dhawaan Ka Dhacay Salal iyo Awdal

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in si degdeg ah loo soo afjari doono shaqaaqooyinkii soo noqnoqday ee u dhexeeyay beelaha ku dhaqan gobollada Salal iyo Awdal, iyadoo ku dhawaaqday tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabad waarta.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay in xukuumaddu si weyn uga xun tahay dagaallada beelaha ee mararka badan soo laabtay, isla markaana ay ka go’an tahay in si kama dambays ah loo xalliyo. Wuxuu u mahadceliyay odayaasha labada dhinac oo ku dhawaaqay nabad, isaga oo ku boorriyay in heshiiskaas si dhab ah loo fuliyo.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu caddeeyay in nabaddu tahay mid go’an, isla markaana cid kasta oo ka hor timaadda la marsiin doono tallaabo sharci ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in Arbacada soo socota la soo gabagabayn doono dhammaan dadaallada nabadaynta ee socda.

Dhanka kale, waxa la faray in maleeshiyaadka hubaysan ee labada beelood ka tirsan ay u guuraan goobo cayiman, iyadoo la sheegay in kuwa doonaya inay ku biiraan ciidanka qaranka la qaadi doono. Waxa uu xusay in wixii ka dambeeya maalinta Arbacada aan la oggolaan doonin cid hub sidata oo ka baxsan nidaamka dawliga ah.

Ugu dambayn, ciidamada ammaanka ayaa la faray inay si adag uga hawlgalaan hirgelinta go’aannadan, iyagoo lagu amray inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo diidda awaamiirta xukuumadda iyo talooyinka odayaasha, halka booliiskana lagu adkeeyay sugidda ammaanka magaalooyinka iyo miyiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker