Trump oo markii ugu horeysay la tijaabinayo awoodahiisa dagaalka

Markii ugu horeysay tan iyo markii la bilaabay weerarrada Iran, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxaa la tijaabin doonaa in uu leeyahay ogolaanshaha uu ku fuliyo tallaabo milatari iyo in kale.

Codbixinta ku saabsan Sharciga Awoodaha Dagaalka ayaa la qorsheynayaa in Senate-ka la hor-geeyo Arbacada.

talaabadan waxaa looga gol-leeyahay in lagu xaddido awoodda Trump ee uu ku fulin karo hawlgallada milatari โ€“ hase yeeshee iyadoo ay jiraan tiro sii kordheysa oo arrimo aan la garanayn ku saabsan khilaafka iyo ogolaanshaha laโ€™aanta ee maamuladii hore, waxay hindishan la kulmi doonaa caqabado waaweyn.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio wuxuu ku dooday, “Ma jiro sharciga qasabaya in Madaxweynaha uu sameeyo wax kasta oo la xiriira arrintan.”

“Ma jiro maamul Madaxweyne oo weligiis u aqbalay Sharciga Awoodaha Dagaalka inuu yahay mid dastuur ahaan sax ah โ€“ haddii ay ahaan-lahaayeen madaxweynayaal Jamhuuriyiin ah, ama madaxweynayaal Dimuqraadi ah,” ayuu intaa ku daray.

Senator-adii soo jeediyay talaabadanโ€“ Tim Kaine, oo ka tirsan Dimuqraadka lagana soo doorto Virginia, iyo Rand Paul, oo ka tirsan Jamhuuriyiinta lagana so doorto Kentucky โ€“ waxay sheegeen inay rabaan in la diiwaan geliyo sida senatarradu uga falcelinayaan tallaabooyinka maamulka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker