Iiraan oo shaacisay tirada uga dhimatay dagaalkii ay ku soo qaadeen isaa’iil iyo Mareykanka

Warbaahinta Iran, oo soo xiganaysa madaxa hay’adda baarista maydadka ee dalkaas, Abbas Masjedi Arani, ayaa sheegaysa in in ka badan 3,000 oo qof ay ku dhinteen Iran tan iyo markii uu bilowday dagaalka 28-kii Febraayo.

Ilaa 7-da April, hay’adda Human Rights Activists News Agency (HRANA) ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa sheegaysa in 1,701 qof oo rayid ah ay dhinteen, oo ay ku jiraan ugu yaraan 254 carruur ah.

HRANA waxay sidoo kale sheegtay in 1,221 askari ay dhinteen, iyo 714 dhimasho oo kale oo aan si rasmi ah loo kala saarin tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Way adag tahay in warbaahinta caalamiga ahi ay xog ka hesho Iran. Hay’adaha wararka ee caalamiga ah inta badan looma oggola fiisooyin ay ku galaan Iran, taasoo si weyn u xaddidaysa awooddooda ay xog ku ururiyaan gudaha dalka. Sidoo kale, waxaa jira go’doomin internet oo muddo dheer socotay, taasoo hadda gashay maalintii 41-aad, sida uu sheegay bogga kormeera internet-ka ee NetBlocks.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker