Raiisul Wasaare Rooble oo la kulmay Taliyaha Ku meel gaadhka ah ee Nisa
Muqdisho (OWN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Bashiir Maxamed Jaamac, oo uu xalay ku beddelay Fahad Yaasiin.
Kulanka oo ka dhacay Xafiiska RW Rooble ayaa sidoo kale Waxaa goobjoog ka ahaa Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Farxaan Qaroole.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baadhitaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax, oo lagu tuhmayo hay’adda NISA.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.
Kulankan ayaa imanaya saacado kadib markii uu Rooble shaqo ka-joojin ku sameeyey Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasin, taasi oo uu ka horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.
Kulankan ayaa muujinaya in Rooble uu si buuxdo u haysto taageerada taliyayaasha ciidamada saameynta leh, taasi oo meesha ka saareysa isku dayga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.




