Rag Hubaysan Oo Rasaas Ku Dilay Hal Qof Halka Qaar Kalena Ay Ku Dhaawaceen Degmada Ceel-Afweyn
Wararka ka imaanaya degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in saaka halkaasi ay dad ku laayeen Rag hubaysan oo ka tirsan mid kamid ah beelo hore ugu dagaallamay degaankaas Ceelafweyn ee gobolka Sanaag.
Rag hubaysan ayaa sida la sheegayo rasaas ku furay dad ku sugnaa goob kaalin shidaal ah oo ku taalla degmada Ceel Afweyn waxaana rasaasta ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaadhay dadkii joogay kaalinta Shidaalka.
Inta la xaqiijiyay hal qof oo kamid ahaa dadka kaalinta Shidaalka ku sugnaa ayaa ku dhintay rasaasta ay dableyda hubaysan rideen waxaana ku dhaawacmay laba qof oo la joogay qofka geeiyooday.
Oodweynenews Sanaag Office




