(π—πšπšπ₯𝐚𝐝𝐝𝐚 π’π¨π¦πšπ₯𝐒π₯𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐬𝐒𝐜𝐒𝐫-π›πšπ«πšπ«π€πš 𝐱𝐚𝐝𝐑𝐀𝐚𝐑𝐚 𝐠𝐨𝐨𝐬𝐭𝐚𝐲 𝐒𝐲𝐨 πͺ𝐒𝐒𝐦𝐚 𝐝𝐑𝐚𝐜𝐚 𝐒𝐑𝐒π₯𝐒𝐧𝐀𝐚 π’π¨π¦πšπ₯𝐒π₯𝐚𝐧𝐝) Xisbiga Kulmiye

Maanta, xaaladda Somaliland ee sicir-bararka iyo kor-u-kaca sarrifku waa mid saamayn wayn ku yeeshay guud ahaan bulshada reer Somaliland, gaar ahaan dadka danyarta ah, inkastoo ay jiraan saamayno dunida oo dhan ka jira, tusaale; dagaalka Bariga-Dhexe, haddana xukuumadda Somaliland lamay iman qorshe qaran iyo daraasad ku saabsan xaaladdan jirta ee bulshda reer Somaliland taabatay.
Dagaalka Bariga-Dhexe ee dunida saamaynta ku yeeshay waxa ay dalalka dunidu ka yeesheen siyaasado qaran oo lagu xakamaynayo kor u kaca maciishadda iyo shiidaalka, halka ay xukuumadda Somaliland aanay ka yeelan siyaasad qaran iyo talo qaran toona.
Sidaas darteed, waxyaabaha taabtay nolosha bulshada reer Somaliland waxa kamid ah, qiimaha shiidaalka oo aad u kacay, tusaale markii hore halka litir ee naaftadu waxay ahayd 8200 SLSH maantana waa 10800 SLSH, sidoo kale halka litir ee petrol-ku wuxuu ahaa markii hore 8200 ilaa 8500 SLSH inta u dhexeysa, halka uu maanta marayo 12500 SLSH.
Haddaba, waxa nasiib-darro ah in shiidaalka qaaliyoobay uu ahaa mid la keenay dalka intii aanu ka qaaliyoobin dunida kale, waxayse dhibtu tahay in xukuumaddii jaangoyn lahayd qiimaha shiidaalka ay saacado kooban soo kala saartay laba go’aan oo is burinaya, oo waliba ay markii dambe soo saartay qiimo ka badan qiimihii hore ee ay ganacsatadu ku iibinayeen!
Si kastaba ha ahaatee, kor u kaca qiimaha shiidaalku wuxuu si toosa u taabtay noloshii bulshada reer Somaliland oo waxa uu saamayn taban ku yeeshay gaadiidkii dadwaynaha, laydhkii, quutal daruurigii iyo waxkasta oo aasaasi u ahaa nolosha bulshada reer Somaliland.
Intaas waxa dheer, waxa qiimo beelay shilinkii Somaliland kaas oo sarrifkiisu marayo heerkii ugu sarreeyay abid, waxaanu saamayn xooggan oo taban ku yeeshay bulshada, gaar ahaan dadka danyarta ah, shaqaalaha dawlada, ciidamada qaranka, ganacsatada yaryar iyo guud ahaan qofkasta oo shilinka Somaliland wax ku iibsada. Tusaale; markii hore, Boqolkii Dollar waxa suuqa lagaga sarrifanayey gacanta dambe 1,70,000 ilaa 175,0000 SLSH inta u dhexeysa, halka uu maanta marayo 1,130,000 SLSH.
Ugu dambayn, Xisbiga KULMIYE waxa uu xukuumadda ugu baaqaya inay wax ka qabato sicir-bararka xadhkaha goostay iyo qiimo dhaca shilinka SL ee saamaynta ballaadhan ee taban ku yeeshay bulshada reer Somaliland, kuwaas oo markii horaba la daalaadhacayay duruufo nololeed oo adag. Xisbiga KULMIYE waxa uu xukuumadda usoo jeedinaya qodobadan hoos ku xusan:
β€’ In xukuumaddu si joogto ah u samayso daraasado qotodheer oo ku saabsan xaaladaha is bed-beddalaya ee dhaqaalaha adduunka iyo sida uu saamaynta ugu yeeshay nolosha dhaqan-dhaqaale ee bulshada Somaliland isla markaana ay dejiso qorshayaal (contingency plans) lagaga gaashaamanayo saamaynta taban ee ay keenaan isbedelada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dunida.
β€’ In ay xukuumadu la timaado mashaariic lagu abuurayo ilo-tamareedyo kale sida tamarta laga dhaliyo dabaysha iyo cadceeda si ay bulshadu u hesho tamar jaban oo laysku halayn karo (affordable)
β€’ Xukuumaddu waa inay si joogta ah gacanta ugu haysaa, una xakameysaa qiimaha shilinka Somaliland isla mar ahaantaana ay la socotaa dhaqdhaqaaqa sarrifka lacagaha ee suuqyada dalka.
β€’ Xukuumaddu waa inay abuurtaa guddi dhaqaale oo si joogta ah kulamo ula yeesha bulshada ganacsatada ah iyo baayac mushtariga dalka si ay go,aamo wax ku ool ah oo dan u ah bulshada iyo ganacsatadaba u soo saaraan sida in ay cashuur dhimis ku sameeyaan waxyaabaha quuto daruuriga iyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolasha bulshada, iyo waliba in ay kormeer joogto ah ku sameeyaan goobaha ganacsiga si looga hortago inay ganacsatadu qiimo aan macquul ahayn wax kaga iibiyaan bulshada Somaliland.
β€’ Xukuumaddu iyadoo la tashanaysa khubarada aqoonta durugsan u leh wax soo saarka, dhaqaalaha iyo maalgashiga waa inay abuurtaa fursado maalgashi iyo mashaariic wax soo saar oo dalka gudihiisa ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta alaabta dibada laga keenayo; Tusaale, Xukuumadu waa inay dhiirigeliso una fudaydiso maalgashatada xoolaha, kalluunka iyo Beeyada ee wadankeenu qaniga ku yahay si loo kordhiyo dakhliga lacagaha dalka ka soo galaya dhoofintooda.
β€’ Xukuumadu waa in ay tusaale nool u noqotaa bulshada oo ay xakamaysaa kharashaadka dawlada; tusaale ahaan in ay yarayso kharashaadka aan daruuriga ahayn si looga baaqsado hoos u dhaca miisaaniyada (budget deficit) oo abuuri karta daabacaada lacago cusub oo sii kordhin kara sicir-bararka aynu marka horeba la daalaadhacaynay.
WAA BILLAAHI TAWFIIQ
Faysal Cabdiraxmaan Madar
Xoghayaha Guiud ee Xisbiga Kulmiye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker