Cumaan oo shaacisay war cusub oo ku saabsan Iiiraan
Xayiraadda Iiraan ee Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta caalamiga ah, ayaa keentay in qiimaha tamarta uu sare u kaco isla markaana cadaadis sii kordhaya uu ku yimaado dhaqaalaha adduunka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda X, ee horrey loo oran jiray Twiter ku sheegtay wasiir ku-xigeenada arrimaha dibadda ee Iiraan iyo Cumaan ay kulan yeesheen si looga wada hadlo βxulashooyinka suurtogalka ah ee hubinta maraakiibta inay si habsami leh u maraanβ Marinka.
Kulank oo dhacay sabtidii sidoo kale waxaa ka qayb galay khubaro ka socday labada dhinac, iyadoo la soo bandhigay βaragtiyo iyo soo-jeedinno kala duwan,β sida ay wasaaraddu sheegtay.
Donald Trump ayaa digniin u diray in Teheran ay tahay inay dib u furto marinka muhiimka ah ee maraakiibta Isniinta, haddii kale ay wajihi doonto βCadaab.β




