Golaha Guurtida Oo Go’aan Ka Gaadhaya Muddo-kordhinta Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada Somaliland
Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la filayaa in toddobaadkan la horkeeyo muddo kordhinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo Muddo-xileedkooda 5-ta sanno ah kaga egyahay bisha May ee Sannadkan.
Golaha Guurtida oo ah Golaha Awoodda u leh in ay kordhiyaan muddada goleyaasha, haddii wakhtigii loogu talo galay doorashadu ku dhici waydo, ayaa la filayaa in toddobaadkan la horgeeyo soo jeedin la xidhiidha in ay muddo kordhin sameeyaan, madaama oo Komishanka doorashooyinku u sheegeen kowdii bishii February in aanay wakhtigoodii ahaa 31/05/2026-ka ku qabsoomayn doorashooyinkii isku sidkaa ee deegaanka iyo Wakiillada sababo wakhtigaas la xidhiidhay dhinaca amniga, farsamada iyo abaaro baahnaa oo jiray.
Madaxweyne Cirro ayaa wararku sheegeen inuu u gudbiyey Golaha Guurtida soo jeedinta la xidhiidha in aanay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomayn ee ay ka gutaan waajibkooda distuurka ah.
Komishanka doorashooyinka ayaa iyagu waxa ay hore u sheegeen in muddo 10 bilood ah u baahan yihiin si loo qabto doorashooyinkaas waxyaabaha farsamo ee ay u baahan tahayna loo dhamaystiro.
Mudaneyaasha Golaha Guurtida ayaa iyagu marka ay muddo kordhinta ay samaynayaan aan inta badan raacin soo jeedimaha ka yimaada dhinaca Komishanka ama Madaxtooyada ee iyagu gaadha go’aanka kama dambaysta ah ee la kordhinayo, madaama iyaga laftooda haddii ay wakiillada u kordhiyaan wakhtiga ay kordhiyaan sannad ka dambayn doonaan doorashada Golaha Wakiillada.
Si kastaba ha ahaatee, haddii ay muddo kordhin sameeyaan Golaha Guurtidu, waxa Meesha ka baxaysa balan-qaadkii wakhtigii ololaha ee Madaxweyne Cirro ee ahaa in wakhtigooda ku qaban doono doorashooyinka.
Somaliland oo lagu ammaano nidaamka doorashooyinka xor ah ee dimuqraadiyadda ku dhisan, haddana muddo shan iyo toban sanno ka badan oo ay hannaankan ku jirtay ma jirto doorasho keliya oo wakhtigeeda lagu qabtay muddadaasi.
Muddo-kordhinta Goleyaasha Qaranka ayaa noqday cambaar ku taala niddaamka Dimuqraadiyadda ee Somaliland, iyadoo mar kasta oo doorashooyinku dib u dhacaan xalku noqdo muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo Goleyaasha Guurtida Wakiillada iyo Deegaanka.




