Madaxweyne Geelle oo sheegay in shacabkiisu ku qasbeen inuu mar kale tartamo
Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo ku jira ololaha doorashada ee ka socda dalkaas, ayaa sheegay in uu mar kale isu soo taagay xilka kadib markii, sida uu sheegay, ay shacabka ku qasbeen inuu sii wado hoggaanka dalka.
Geelle ayaa xusay in inkasta oo uu jeclaa inuu nasto kadib ku dhowaad 30 sano oo uu talada hayay, haddana uu ka jawaabay dalab ka yimid shacabka. “Haddii aan soo joogsaday, amarka aad idinku bixiseen ayaan ku soo joogsaday,” ayuu yidhi, isaga oo tilmaamay in dadku ka codsadeen in aanu ka dagin xilka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalka Jabuuti uu weli u baahan yahay hoggaan sii wada horumarka, si uu ula jaanqaado isbeddellada caalamka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in ujeeddadiisu tahay inuu sii shaqeeyo si uu u qanciyo rabitaanka shacabka doonaya inuu sii joogo.
Geelle waxa uu ku dooday in nidaamka dimuqraadiyadeed ee Jabuuti uu shaqaynayo, isaga oo sheegay in shantii sanoba mar doorasho la qabto, isla markaana dalka uu yahay mid xor ah oo ay axsaabta siyaasadeed si furan ugu tartami karaan. Waxa uu intaas ku daray in haddii shacabku doortaan musharrax kale, uu aqbali doono natiijada doorashada.
Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka iyo dadka u ololeeya dimuqraadiyadda ayaa si adag u dhaliila nidaamka siyaasadeed ee dalkaas. Waxay ku eedeeyaan xukuumadda in aanay jirin fursad dhab ah oo ay mucaaradku ku tartami karaan, isla markaana aan la oggolayn xisbi mucaarad oo awood leh.
Sidoo kale, dhaliilaha la jeedinayo waxaa ka mid ah in doorashooyinka ay si weyn u maamusho Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas oo dhalisa shaki la xidhiidha hufnaanta iyo madaxbannaanida geeddi-socodka doorashada.
Warbixinno kala duwan ayaa tilmaamaya in xaaladda warbaahinta iyo xuquuqda aadanaha ee Jabuuti ay liidato, iyadoo mucaaradka iyo ururrada xuquuqal insaanku ay sheegaan in cadaadis lagu hayo dadka ka aragti duwan xukuumadda. Waxay sidoo kale ku andacoodaan in Madaxweyne Geelle aanu diyaar u ahayn inuu si fudud uga dego talada dalka.
Dhanka kale, nolosha dadka reer Jabuuti ayaa weli wajahaysa caqabado dhaqaale, inkasta oo dalka uu leeyahay muhiimad istiraatiiji ah oo ku aaddan ganacsiga iyo dekedaha. Haddana waxaa jira cabashooyin la xidhiidha heerka nololeed, shaqo la’aan, iyo kala duwanaanshaha dakhliga.
Warbixintan ayaa imanaysa xilli ay indhaha caalamku ku sii jeedaan doorashada Jabuuti iyo sida ay u saamayn doonto mustaqbalka siyaasadeed ee dalkaas, iskasta oo Gabi ahaanba aan la filayn in musharax aan Geelle ahayn guusha loogu dhawaaqo.




