Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UCID oo Diiday inuu ka mid Noqdo Guddiga Qaban qaabda 18 May ee mucaardka
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in uu ka cudur daartay xubinimada guddida ay xisbiyada mucaaradka ahi u xil saareen qaban qaabada xuska 18 May oo mucaaradku u xusayaan si gaar ah.
Waxa uu sheegay in maadaama oo uu ka mid yahay shir-guddoonka gole qaranka in aanu ku milmi karin muranka xuska maalinta madaxbanaanida Somaliland.




