Qiiq kasoo baxaya warshad Israa’iil leedahay oo ay Iiraan weerartay
Waxaan hadda idiin soo gudbin karnaa wax badan oo ku saabsan dabka ka kacay warshad saliidda sifeysa oo ku taal magaalada Haifa ee Israel.
Waaxda dab-damiska iyo samatabbixinta Israa’iil ayaa sheegtay in dhismo warshadeed iyo booyad shidaal ay ku dhaceen burbur ka soo baxay gantaal la qabtay oo maanta ku dhacay warshadda saliidda ee Bazan.
Warbixin ay goor hore oo saaka ah soo saartay waaxda dab damiska ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dabka, waxaana ciidamada dabdemiska ay ku howlan yihiin ka hortagga in dabku ku fido goobo hor leh, iyadoo sidoo kale baadi goob loogu jiro dad go’doonsan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Lama oga halka laga soo tuuray gantaallada balse Israa’iil ayaa tan iyo markii uu dagaalku billowday waxa ay weerarro joogto ah kala kulmaysay Iran iyo kooxda Xisbullah ee ka dagaallanta dalka Lubnaan.




