Midowga Africa oo ka walaacsan xiisada ka taagan Maanulka Koonfur Galbeed Somaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Cali Youssouf, ayaa si dhow ula socda xaaladda ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya sida lagu sheegay war maanta ay soo saareen Midowga Africa.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in madasha wadatashiga Qaranka uu yahay madal muhiim ah oo lagu dhisayo wadahadal iyo isfaham, wuxuuna ku dhiirrigeliyey dhammaan dhinacyada Soomaalida inay fursaddan si wax ku ool ah uga faa’iideystaan si khilaafaadka looga xalliyo nabadgelyo.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey in khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada lagu xalliyo wadahadal, isla markaana la ixtiraamo muhiimadda midnimada iyo iskaashiga.

Guddoomiyuhu wuxuu muujiyey walaac ku aaddan xiisada kacsan ee kasii dareeysa ee degaanada Koonfur Galbeed oo ku dhow gacan kahadal iyo saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida, amniga, midnimada, iyo xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan xakameyn buuxda oo aysan qaadin tallaabo kicin karta xiisad dheeraad ah.

Warka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa mar kale lagu xaqiijiyey taagerada buuxda ee Midowga Africa ee nabadda, xasilloonida, iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna balan qaaday inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker