Imaaraatka iyo Ukraine oo yeelanaya iskaashi difaac kadib weeraradii Iiraan
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in iyaga iyo Imaaraatka ay yeelanayaan iskaashi dhanka difaaca ah si loo wajaho weerarada Iiran ee sida gaarka ah ula beegsatay gobolka, xilli uu socdo dagaalka Maraykanka-Israaβiil oo isku dhinac ah iyo Iiraan.
Zelensky ayaa baraha bulshada ka sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Imaaraatka Maxamed Bin Zayed Al-nahyan , ayna ku heshiiyeen inay iska kaashadaan dhanka ammaanka iyo difaaca.
Waxaa uu is-afagaradkan kusoo beegmay xilli Ukraine iyo Sacuudiga ay sidoo kale iska kaashanayaan dhanka ammniga hawada, taasi oo Sacuudiga ay kaga faaβiideysanayaan khibrada Kieve, waxaana kulankaasi uu ka dhacay Sacuudiga xilli uu madaxweynaha Ukraine booqday halkaasi.




