Qiimaha lacagta ay Iran ka qaaddo markab kasta oo mara marinka Hormuz
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Iiraan oo lagu magacaabo Alaeddin Boroujrrdi, ayaa sheegay in dalka uu helo laba milyan oo doolar, lacagtaas oo ah mid laga qaado maraakiibta qaar ee mara marin biyoodka Hormuz.
Wareysi uu siiyay telefishin maxalli ah, Mr. Boroujrrdi wuxuu ku sheegay in “dowladda cusub” ee dalka ay sharcigan ku soo rogtay xuduudda, “dagaalkuna uu yahay waxa tani sababay.”
Wuxuu intaas ku daray in tani ay muujinayso in “mas’uuliyiinta Iiraan ay leeyihiin xuquuq iyo mudnaan gaar ah oo la mid ah tan Jamhuuriyadda Islaamiga ah.”
BBC-du weli si madax banaan uma xaqiijin arrintan.
Haddii aan dib idiin xasuusinno, Iiraan ayaa xirtay marin biyoodka Hormuz, oo ah mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan adduunka ee maraakiibta saliidda, tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerareen dalkaas 28-kii Febraayo.
Iyada oo ay waqooyi ka xigto Iiraan, koonfurtana ay ka xigto Cumaan iyo Imaaraadka Carabta (UAE), marin biyoodka – oo kaliya 50km (31 mayl) ballaaran marka laga soo galo iyo marka laga baxo – wuxuu isku xiraa Gacanka iyo Badda Carabta.
Sida caadiga ah, guud ahaan, maraakiibta waaweyn waa inay maraan marin aan ka badnayn 10 kiiloomitir oo ballac ah.
Qiyaastii 20% shidaalka adduunka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ayaa badanaa mara marin biyoodka, iyadoo shidaalka aysan ka imanayn oo keliya Iiraan laakiin sidoo kale dalalka kale ee Khaliijka sida Ciraaq, Kuwait, Qatar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.




