Israa’iil oo iyaduna hanjabaad u dirtay Iiraan iyo Xisbullaah
Ciidanka militariga Israa’iil ayaa sheegay in howlgallada militari ee ka dhanka ah Iiraan iyo Xisbullaahi ay socon karaan toddobaadyo kale oo dheeri ah.
Afhayeenka militariga Israa’iil, Brigadier General Effie Differin, ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedada howlgalladan ay tahay in si tartiib tartiib ah loo daciifiyo “nidaamka argagixisada.”
“Ciidanku wuxuu filayaa inuu la kulmo dagaal toddobaadyo kale oo dheeri ah,” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in Israa’iil aysan ogolaan doonin wax isku day ah oo khatar gelinaya amnigeeda, isla markaana howlgallada militari ay sii socon doonaan ilaa hadafka ay ka leeyihiin ay ka gaaraan.




