Trump oo u hanjabay Iran, waqtina u qabtay
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayaa sheegay in Maraykanku “burburin doono” warshadaha korontada ee Iran haddii dalkaasi uusan furin marin-biyoodka Hormuz “iyadoo aan wax hanjabaad ah jirin” muddo 48 saacadood gudahood ah.
Halkan hoose waa qoraalkii oo dhan:
“Haddii Iran aysan SI BUUXDA U FURIN, IYADOO AAN HANJABAAD JIRIN, marin-biyoodka Hormuz 48 SAACADOOD gudahood laga bilaabo waqtigan saxda ah, Maraykanka ayaa weerari doona oo burburin doona warshadahooda kala duwan ee KORONTADA, isagoo KA BILAABAYA TAN UGU WEYN MARKA HORE!




