Sacuudiga oo qaaday tallaabo ka dhana Iiran
Sacuudi Carabiya ayaa waydiisatay diblomaasi u dhashay dalka Iiraan iyo saddex xubnood oo ka tirsan kooxdiisa inay isaga baxaan dalka, xilli boqortooyada iyo deriskeeda Khaliijka ay wajahayaan weeraro aargoosi ah oo uga imanaya Iiraan kuwaas oo daba socda weerarada Maraykanka iyo Israa’iil.
Bayaan lagu cambaareynayo ‘weerarrada soo noqnoqday ee Iiraan,’ ayay Riyadh ku sheegtay inay ‘go’aansatay inay u aqoonsato u qaybsanaha arrimaha milatariga ee safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyo saddex xubnood oo ka tirsan howlgalka milatari ee safaaradda, inaan dalkaas laga rabin (persona non grata).’
Xafiiska Arrimaha Dibadda ayaa intaas ku daray in la siiyay 24 saacadood oo ay dalka kaga baxaan, farriin lagu baahiyay baraha bulshada.




