Trump oo shuruud ku xiray soo afjarista dagaalka Iran
Waxaan helnay warar kale oo ka yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kuwaasoo uu kusoo qorat bartiisa Truth Social.
“Waxaan aad ugu dhawaaneynaa inaan gaarno ujeeddooyinkeenna annagoo tixgelineynayna inaan hoos u dhigno dadaalladeenna Milatari ee weyn ee Bariga Dhexe ee la xiriira Nidaamka Argagaxisada ee Iran,” ayuu yiri.
Isagoo u soo jeestay marin biyoodka Hormuz, Trump wuxuu markaa yiri “waa in la ilaaliyaa oo ay ilaaliyaan, sida loo baahdo, dalalka kale ee isticmaala – Maraykanku ma isticmaalo!”
“Haddii la codsado, waxaan ka caawin doonnaa dalalkan dadaalkooda Hormuz, laakiin ma ahan inay lagama maarmaan noqoto mar haddii la ciribtiro khatarta Iran.
“Muhiimad ahaan, waxay u noqon doontaa Hawl-gal Milatari oo fudud.”




