Xildhibaan Golaha Wakiillada JSL Ka Tirsan Oo Dhaliilo U Jeediyey Shirkadda Genel Energy
Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo ka tirsan xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shirkadda shidaalka ee Genel Energy waxa uu ugu baaqay in aanay wakhtigan dalka ka qaybin biyo dhaamis kadib markii meelaha qaar ka curteen roobabka gu’gu balse ay taa baddalkeeda ugu baddalaan dadka ay doonayaan in ay caawiyaan deeq raashin ah oo ay wakhtigan baahida ugu badan u qabaan isaga oo ku dhaliilay shirkaddan in ay la soo daahday deeqda Biyo qaybinta ah ee ay wakhtigan sheegtay in ay ka bilaabayso Gobolka Saraar gaar ahaan deegaamada ay ku talo jirto in ay ka bilawdo shidaal qodista.
Xildhibaan Mustafe Khayreeye ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay Bartiisa Xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu ku yidhi sidan: “Qolada shirakada Genel Energy ee baadhis shidaal Baanu saraar ka wadnaa leh , ee hada inala wadaagtey waxaanu bilaabeynaa Biyo dhaamis waxaan odhan lahaa mudo bil iyo dheeraad ah waxa lagu jirey dedaal biyo dhaamis oo ay wadeen Xukuumada , qaar ka mid ah xildhibaanadii bulshadu soo dooratey iyo hay’ado kale , intaasba kii ka weynaa baa hada yimid oo ah raxmaadkii Eebbe oo deegaanada qaarna gaadhay qaarna sidii Alle loog bartey ay sugayaan maalmahan cirkuna Waa wacanahay saadaashiisu. Markaas ka Shirkad ahaan waxaan idin siin lahaa Talo aydun ku camal fashaan , dadkaas u geeya Raashin . Waa baahida labaad ee dadkaas aan kusoo arkey , sababtuna waa dadkii oo xoolahoodii Suuq xidhan heley cid wax ka iibsatana waayey. Biyaha xiligii loo baahnaa la idinka waayey. Haddoo dadkii yar qaboobeen haku mashquulinina Ee baahidooda kale wax ka qabta. Maanta waxa noo wanaag ah , dadkayagana u Waxtar ah 5000 oo qoys oo aad quudin raashin u Sameysaan” ayuu yidhii Xildhibaan Mustafe kheyreeye oo ka tirsan Golaha Wakiilladu.




