Trump oo sheegay in Mareykanka uu si weyn u qarxin doono xarunta gaaska weyn ee Iran haddii ay mar kale weerarto Qadar
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadda soo saaray qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Truth Social, kaas oo ku saabsan weerar ay Israa’iil ku qaadday xarunta gaaska South Pars ee dalka Iiraan habeennimadii Arbacada.
Iyada oo ka aargoosanaysa weerarkaas, Iran waxa ay weerartay Qatar Ras Laffan – oo ah goob warshadeed oo uu ku jiro gaaska dabiiciga ah ee ugu wayn adduunka (LNG).
Qoraalkiisa oo si adag loo hadal hayay ayuu Trump ku sheegay in Mareykanku “uusan waxba ka ogeyn” duqeynta Israa’iil, wuxuuna ku hanjabay inuu sii xumaan doono haddii Iran ay mar kale weerarto Qadar.
“Iyadoo ka careysan waxa ka dhacay Bariga Dhexe”, Israa’iil “si ba’an ayay uga falcelisay”, ayuu qoray Trump.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: “Maraykanku waxba kama ogayn weerarkan gaarka ah, dalka Qadarna sinaba kuma lug lahayn, mana ka lahayn fikrad ah in uu dhici doono.
Laakiin Iran ma aysan ogeyn arrintan, ayuu qoray Trump, iyo in weerarradeeda aargoosiga ah ee Qatar Ras Laffan ay ka dhigeen “mid aan xaq ahayn oo caddaalad darro ah”.
Trump wuxuu far waaweyn ku qoray in Israa’iil aysan mar kale weerari doonin xarunta gaaska South Pars ee Iran, “haddii aysan Iran si caqli-darro ah u go’aansanin inay weerarto” waddan kale oo aan waxba galabsan, taas oo kiiskan ahayd Qadar.
Iran ayaa mar kale weerartay Qadar, Trump waxa uu ku hanjabay in Maraykanku “uu si weyn u qarxin doono gebi ahaanba xarunta gaaska ee South Pars, una adeegsan doono xoog iyo awood aanay Iran waligood arag ama marqaati ka ahayn”.
Waxa uu intaa ku daray in aanu doonayn in uu oggolaado “weerarka heerkan ah iyo burburka sababtoo ah saamaynta muddada fog” ee Iran ay ku yeelaneyso, “laakiin haddii Qatar LNG mar kale la weeraro, kama labalabayn doono inaan sidaas yeelo.”




