Koonfur Galbeed oo joojisay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray deeganada Maamulkaasi
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la hakiyay dhammaan duulimaadyadii ganacsi iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ka bixi jiray ama imaan jiray garoomada diyaaradaha iyo meelaha diyaaradaha ka degaan ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Go’aankan ayaa dhaqan galay 18-ka Maarso 2026, waxaana la sheegay inuu socon doono ilaa amar dambe laga soo saarayo.
War saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in tallaabadan loo qaaday si loo ilaaliyo badbaadada shacabka loona hubiyo nidaam iyo kala dambeyn dhanka duulista hawada ah, iyadoo la eegayo xaaladaha jira.
Si kastaba, waxaa laga reebay duulimaadyada Qaramada Midoobay (UN) iyo howlgalka AUSSOM, kuwaas oo loo oggol yahay oo kaliya hawlaha bani’aadannimo, caafimaad iyo howlgallo rasmi ah, Diyaaradahan ayaa loo oggol yahay inay qaadaan shaqaale iyo qalab, balse looma oggola inay qaadaan siyaasiyiin iyada oo aan oggolaansho gaar ah laga helin hay’adaha ay khusayso.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ka digtay in cid kasta oo ku xadgudubta amarkan ay wajihi doonto tallaabo sharci ah oo ay qaadi doonto maamulka Koonfur Galbeed.
Dhammaan shirkadaha diyaaradaha iyo howl-wadeennada duulista ayaa lagu amray inay joojiyaan safarradooda qorsheysan iyo kuwa aan qorsheysneyn, isla markaana ay la xiriiraan hay’adaha ay khusayso si dib loogu habeeyo safarrada rakaabka iyo raridda alaabta.
Arintan ayaa daba socota Khilaafka Koonfur Galbeed kala dhaxeeya Dowladda federaalka oo dhowr jeer oo todobaadkaan ah joojisey duulimaadyo kusii jeeday Baydhabo.




