Iran: Waddammada khaliijka sidee loo weeraray xalay?
Weerarrada ka dhan ah dalalka Bariga Dhexe ayaa habeenkii la soo dhaafay sii socday kadib markii Iran ay ku hanjabay in ay bartilmaameedsan doonto “saliidda iyo warshadaha gaaska” ee la xidhiidha Maraykanka ” ee ku yaalla Gacanka, ka dib weerar lagu qaaday kaydka gaaska ee South Pars.
Saudi Arabia ayaa la sheegay in ay la kulantay weerarada ugu badan habeenkii xalayba ahaa, iyada oo la soo saaray toddobo ogeysiis laga bilaabo 22:00 GMT Arbacadii.
Wasaaradda difaaca Saudiga ayaa sheegtay inay ciribtirtay 17 drone iyo labo gantaal balistik ah oo ku aaddanaaa caasimadda Riyadh iyo “gobollada bari” ee dalka.
Ka dib weerarrada magdhowga ah ee Iran ku qaaday xarunta tamarta Ras Laffan Arbacadii, Qatar ayaa ku dhawaaqday in markale la duqeeyey saacadihii hore ee Khamiista—waxyeelo ayaa jirta balse wax dhaawac ah lama soo sheegin.
United Arab Emirates ayaa lagu soo warramay qiyaastii 03:30 subaxnimo in nidaamyada difaaca hawada ay ka hortagayaan gantaalada balistikaa halka diyaaradaha dagaalka ay cirka ku raadinayaan dron-yada oo qabanayaan.
Bahrain ayaa xalays soo saartay saddex digniin, iyadoo dadka degan ku boorisay inay raadsadaan goobaha badbaadada.
Ciidamada milateri ee Kuwait ayaa dhawaan sheegay inay wajahayaan “weeraro gantaal iyo drone oo cadowga ka yimid”.




