FBI oo baaraysa madaxii ka hortagga argagixisada Maraykanka Joe Kent
Agaasimihii hore ee Xarunta Qaran ee Ka-hortagga Argagixisada ee Mareykanka, Joe Kent, ayaa waxaa baaraya FBI-da, sida dhowr ilood ay u sheegeen bahwadaagta BBC ee Maraykanka CBS .
Baaritaankani ayaa la xiriiraa xog sir ah oo la faafiyay, sida CBS ku warantay, ilo ayaa sheegay in baaritaanku uu bilaabmay ka hor inta uusan Kent is-casilin todobaadkan ee ku saabsan dagaalka Iran.
Kent ayaa goor sii horaysay la hadlay falanqeeye siyaasadeed oo muxaafid ah Tucker Carlson, wuxuuna u sheegay in howlgalkii Mareykanka iyo Israa’iil ee lagu dilay hogaamiyaha sare ee Iran, Ali Khamenei, “ay ahayd waxii ugu dambeeyay ee aan abid samayn lahayn”.
CBS ayaa sheegtay in FBI-da aysan ka jawaabin codsiga faalo ay ka dhiibtaan arrinta.




