Xildhibaannada laga soo doortay Koonfur Galbeed oo Si Buuxda u Taageeray Hakinta Xidhiidhka Dowladda Federaalka

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si cad ugu taageerayaan go’aanka maamulka Koonfur Galbeed ee hakinta xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan oo ku taariikheysan 17-ka Maarso 2026, ayay xildhibaannadu ku sheegeen in tallaabadan ay timid kadib faragelin joogto ah oo ay dowladda federaalku ku hayso maamulka Koonfur Galbeed, taas oo ay ku tilmaameen mid dhaawacday amniga, xasilloonida iyo nidaamka dowladnimada ee deegaanka.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale xusay in waqtigan lagu jiro xaalad adag oo ay jiraan abaaro iyo bisha barakeysan ee Soonka, taas oo ay sheegeen in shacabka ay u baahan yihiin xasillooni iyo gargaar, halkii laga abuuri lahaa xiisado siyaasadeed iyo amni.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in xildhibaannadu ay leeyihiin waajibaad dastuuri ah oo ah ilaalinta danaha iyo jiritaanka dowlad goboleedka ay matalaan.

Waxay tilmaameen in go’aanka Koonfur Galbeed uu yahay mid looga gol leeyahay ilaalinta nabadda, ka hortagga colaado cusub iyo badbaadinta shacabka ku nool deegaannadaas.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay ka digeen in xaaladdan ay halis gelin karto midnimada qaranka haddii aan si taxaddar leh loo maareyn, iyagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ixtiraamto nidaamka federaalka isla markaana ay joojiso faragelinta siyaasadeed iyo midda amni ee dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyn, xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa si buuxda u muujiyay taageeradooda ku aaddan go’aanka maamulkaas, iyagoo ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ah ilaalinta xasilloonida iyo danaha shacabka.

Xildhibaannada laga soo doortay Koonfur Galbeed oo Si Buuxda u Taageeray Hakinta Xiriirka Dowladda Federaalka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker