Weerarro cusub oo lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Ciraaq

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya weerarro cusub oo habeen hore lagu qaaday dhismaha safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters ayaa ka warbixiyay qaraxyo saacadihii hore ee Arbacada xiliga maxalliga ah.

Wakaaladaha oo soo xiganayay ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa weriyeyaasha AFP ee magaalada waxay maqleen qaraxyo ka dhacay agagaarka safaaradda, oo ku taal aagga aadka loo ilaaliyo ee Aagga Cagaaran, halkaasoo ay ku sugan yihiin ergooyin badan oo diblomaasiyadeed iyo hay’ado caalami ah.

Saldhigga Mareykanka ayaa dhowr jeer la weeraray tan iyo markii uu dagaalka billowday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker