Israel oo sheegtay dadka ‘waxyeelladu’ soo gaadhay 24-kii saac u danbeeyey
Wasaaradda Caafimaadka ee Israel ayaa sheegtay in 192 qof ay ku dhaawacmeen loona qaaday isbitaallada 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in 4 ka mid ah dhaawacyadaas ay xaaladdoodu tahay “dhexdhexaad”, halka 177 qof laga daweynayo dhaawacyo “fudud”. Lama caddeyn xaaladda 11-ka qof ee kale.
Waxay sidoo kale intaas ku dartay in tan iyo bilowgii colaadda, guud ahaan 3,727 qof la dhigay isbitaallada.




