Iran oo sheegtay basaas Israel u shaqaynayey in ay dileen
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in nin lagu tilmaamay “jaajuus u shaqeynayay Israel” maanta la dilay.
Ninka, oo lagu magacaabo Koroush Keyvani, ayaa la xiray intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhexeeyay Iran iyo Israel bishii Juun 2025. Waxaa lagu eedeeyay inuu u gudbiyay sawirro iyo macluumaad ku saabsan goobaha xasaasiga ah ee dalkaas, hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaaladda wararka Tasnim News Agency, oo xidhiidh la leh Islamic Revolutionary Guard Corps.
Warbixintu waxay sheegtay in Keyvani markii hore ay Israel ka soo tixraacday sanadkii 2023 isagoo ku sugan Sweden, kadib markii uu la ogaaday in uu daawaday ama si uun u galay akoon xayaysiis oo Israel abuurtay.
Waxaa la sheegay in markaas uu askareeyay sarkaal ka tirsan Mossad, kadibna labo sano lagu tababaray lix dal oo Yurub ah iyo magaalada Tel Aviv, ka hor inta aan dib loogu dirin Iran si uu hawlgallo u fuliyo.
Si kastaba, BBC ayaa sheegtay in aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin eedeymaha iyo sheegashooyinka ku jira warbixinta Tasnim.




