Duqaymihii u dambeeyay ee Bayruut: Lix dhimasha ah iyo tobanaan kale oo dhaawac ah

Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen 24 kalena ay ku dhaawacmeen laba weerar oo Israa’iil ku qaaday bartamaha Bayruut, sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP.

Waxay intaas ku dartay in tiradani ay tahay mid hordhac ah, isla markaana aqoonsiga dadka dhintay “la go’aamin doono kadib marka la sameeyo baaritaan DNA ah”, sida lagu sheegay bayaan.

Horay, warbaahinta maxalliga ah ayaa soo werisay in mid ka mid ah weerarradu uu ku dhacay dhisme dabaqyo ah oo ku yaalla xaafadda dhexe ee Zuqaq al-Blat, oo u dhow xarunta dowladda iyo qaar kamid ah safaaradaha.

Weerar labaad ayaa sidoo kale ka dhacay degmada dhexe ee Basta, iyadoo markhaatiyaal ay sheegeen inay maqleen qaraxyo dhowr ah, sida ay sheegtay AFP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker