Wargeyska The Independent: Xisaabta khaldan ee uu Trump isku dhufsaday ee dagaalka Iiraan oo kashifantay

Warbixintaan waxa ay Dib-u-eegis ku sameeneysaa waxa ay waregeysyada caalamka qoreyn dagaalka Iiraan, waxaana qoraallada ka mid ah maqaal tifaftireed ka soo baxay wargeyska Ingiriiska ee The Independent oo ka hadlaya “Isku dhifashada khaldan ee Trump ee Iiraan,” iyo maqaal uu qoray wargeyska Faransiiska kasoo baxa ee la yiraahdo Le Monde oo ku saabsan “halista weerarrada Israa’iil ee Lubnaan,”.

Khaladaadka Trump ee Iiraan

Wargeyska The Independent ayaa qoray maqaal uu kaga faalloonayo xaaladda Bariga dhexe iyo sida Trump xaalka ugu cakiran yahay, isaga oo ciwaan uga dhigay “Khaladaadka xisaabeed ee Donald Trump waa la kashifay.”

Wargeysku wuxuu sheegayaa in laba toddobaad kadib bilowgii dagaalka Iiran ay iska caddahay in Trump xisaabta si khaldan iskugu dhifsaday. Sida muuqata, ma uusan tixgelin in duqeynta Iiraan ay sare u qaadi karto qiimaha shidaalka ee Maraykanka, inkastoo Maraykanku uu dhoofiyo shidaal, hadana waxaa intaas dheer, sida uu wargeysku qorayo in Trump lagu wargeliyey in Marinka Hormuz xirmi karo haddii uu dagaal qaado, balse uu iska indho tiray.

Waxaa sidoo kale maqaalka lagu sheegay, in Trump uusan tixgelin suurtagalnimada in arrintaan uu ka faa’iidi karo Ruushka, haddii uu qalalaase ku yimaadana sahayda shidaalka ay fursad u tahay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, lagana yaabo inuu ka dabciyo cadaadisyada saaran, xilli culaysyada dhaqaale ee Ruushka ka saaran dagaalka Ukraine ay gaareen heer aad u culus.

14 maalmood kadib weerarradii lagu qaaday Iiraan, sababta keentay inuu tallaabadan milatari qaado madaxweynaha Maraykanka ayaa weli “mugdi ku jirta,” sida uu sheegay wargeysku, waxaa kale oo uu dhaliilayaa isbedbeddelka Trump, maadaama uu hadda ku baaqayo in dalal kale ay soo diraan maraakiib dagaal, si ay dagaalka uga qeyb qaataan, isaga oo hore u sheegay in uusan u baahneyn wax taageero ah, dagaalkana uu ku filan yahay, waddamada qaarna sida Ingiriiska si toos ah ayuu uga dalbay in ay dagaalka soo galaan si guul looga gaaro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker