Ninka dunida ka badbaadiyay hubka Nukliyeerka
Markii dunidu ay qarka u saarnayd in uu burburiyo hubka nukliyeerka, nin kasoo jeedo gobolka Wales ee UK oo lagu magacaabo Sir David Ormsby-Gore ayaa qaatay go’aan dareen leh waxyna dadka qaar ku doodaan in dunida ka badbaadiyay dagaal niyukliyeer.
Bishii Oktoobar 1962, Midowgii Soofiyeet ee Ruushka wuxuu isku dayay inuu hubkiisa dhigto jasiirad ku taal Caribbean-ka, dhacdadaas oo ka dhashay qalalaasaha loo yaqaan ‘Qalalaasihii gantaallada ee Kuba.’
Hubkaas ayaa baabi’in karayay Mareykanka sidaas darteedna madaxweyne Mareykanka ee xilliggaas, John F Kennedy ayaa xaalad go’doomin ah geliyay dalkiisa.
Ninkan oo lagu magacaabo Sir David Ormsby-Gore una dhashay gobolka Wales, oo markaas ahaa safiirkii Ingiriiska ee Washington, ayaa ku guuleystay inuu madaxweynaha dejiyo.
Maadama uu Mareykanka xilliggaas hoggaaminayay tartanka dalalka ay ugu jireen hubka Nukliyeerka, Midowgii Soofiyeet wuxuu dareemay in fursadda kaliya ah ee u bannaan ay tahay sidii duqeymo ka hortag ah ay ugu qaadi laheyd reer galbeedka isla markaana gantaallada uu dhigan lahaa Cuba oo 80 mayl oo kaliya ah u jirta xeebaha Mareykanka.
22kii Oktoobar Madaxweynihii Mareykanka, Kennedy ayaa looga yeeray Aqalka Cad, isla markiiba wuxuuna amray sidatan, “Iigu yeera Ormsby-Gore iyadoo aysan cidna arkeyn.”
Madaxweyne-ku-xigeenkii Mareykanka xiliggaas Lyndon B Johnson ayaa sheegay “Anigu halkaas ayaan joogay, waxaan arkayay labada nin oo is tusayo sawirrada khariidado iyadoo midba midka kale uu foorinayo.”
“Muxuu ninkan kasoo jeedo Wales uu ugu sugan yahay qolka madaxtooyada?” Jawaabtu waxay dib ugu noqotay sanadkii 1938, markii John F Kennedy aabihii, Joseph Kennedy, uu ahaa safiirka Maraykanka ee London.




