Muhaajiriin Somali kujiraan oo laga soo badbaadiyey xeebaha dalka Spain.
Markabka Aita Mari, oo ah nooca samatabixinta lagana leeyahay dalka Spain ayaa soo badbaadiyey ugu yaraan 32 qof oo muhaajiriin ah, kuwaas oo isugu jira 27 rag ah iyo 5 dumar ah.
Muhaajiriintan oo ku xanibnaa badweynta Mediterraneanka ayaa ka kala yimid dalal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Somalia, Cameroon, Eritrea, Mali, Burkina Faso, Nigeria, Ghana, iyo Côte d’Ivoire, waxaana la xaqiijiyey inay kamid ahayd haweeney uur leh oo siddeed bilood ah iyo sagaal carruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 2 ilaa 15 sano.
Tahriibayaasha ayaa muddo laba maalmood ah saarnaa doonyar oo bac ka samaysan, sida ay sheegtay hay’adda Salvamento Marítimo Humanitario (SMH), oo warbixin ka soo saartay xaaladda muhaajiriinta.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku xaqiijiyeen in dhammaan dadka la socday doonida si nabad ah loo badbaadiyay, waxaana kabtanka markabka Aita Mari uu sheegay in howlgalka samatabbixinta uu dhacay qiyaastii 7:32 subaxnimo, Axaddii, kadib markii ay heleen wargelin degdeg ah oo ku saabsan doon dhibaato ku jirta.




