Hogaamiyeyaasha Yurub oo war soo saaray
Hoggaamiyeyaasha dalalka Canada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku boorrinaya Israa’iil iyo Lubnaan inay bilaabaan wadahadallo lagu raadinayo “xal siyaasadeed oo waara”, ka dib markii ay sheegeen inay xaalad bani’aadamnimo oo “aad looga naxo” ka jirto Lubnaan.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen hogaamiyeyaashan, waxay ugu baaqeen Xisbullah-ta Lubnaan inay hub ka dhigaan oo ay joojiyaan weerarrada ay ku hayaan Israa’iil, iyagoo cambaareyay go’aanka kooxda ee ku biiritaanka dagaalka Iiraan.
“Weerar dhulka ah oo Israa’iil ay ku qaaddo Lubnaan wuxuu yeelan doonaa cawaaqib bani’aadamnimo oo ba’an wuxuuna horseedi karaa iskahorimaad daba dheeraada. Waa in laga hortagaa.” Ayay yiraahdeen madaxdu.
Hadalkan ayaa yimid xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in duqeymo cirka ah oo Israa’iil xalay ka geysatay Beirut.
Isniinti, Milatariga Israa’iil waxay sheegeen in ciidamadooda ay bilaabeen “howlgallo dhulka ah oo xaddidan oo bartilmaameed ah” oo ka dhan ah kooxda xisbullah ee ku sugan koonfurta Lubnaan.
UK iyo Mareykanka ayaa kooxda xisbullah u aqoonsaday urur argagixiso.




