Abiy Axmed oo ku baaqay “in shidaalka la beeqaamiyo loona adeegsado keliya baahiyaha aasaasiga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta, iyadoo dagaalka ka qarxay Bariga Dhexe uu galay maalintiisii 16-aad, ku boorriyay in shidaalka si beeqaamis ah loo isticmaalo.

Ra’iisul Wasaaruhu farriin kooban oo uu ku daabacay boggiisa rasmiga ah ee baraha bulshada ayuu ku sheegay in waddamada shidaalka soo iibsada ay la kulmayaan dhibaato, wuxuuna xusay in ay muhiim tahay in shidaalka loo isticmaalo si taxaddar leh lana siiyo mudnaanta waxyaabaha aasaasiga ah.

Toddobaadkii hore, Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa sheegay in aan la garanayn inta ay socon doonto carqaladda ku timid silsiladda sahayda shidaalka. Sidaas darteed ayuu bulshada iyo hay’adaha uga codsaday in shidaalka si aad ah loo keydiyo loona isticmaalo si taxaddar leh.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in kororka qiimaha shidaalka ee ka dhashay dagaalka uu yahay “mid cabsi leh”, wuxuuna sheegay in dowladda dhawaan ay shaacin doonto tallaabooyin dheeraad ah oo lagu keydinayo shidaalka.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale ku boorriyay qaybiyeyaasha shidaalka, isticmaalayaasha iyo kaalimaha shidaalka inay mudnaanta siiyaan adeegyada aasaasiga ah isla markaana shidaalka u isticmaalaan si keyd leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker