Dawladda Canada oo la tacaalaya Shaqo la’aan

Dawladda Canada oo la tacaalaysa cadaadiska kaga imaanaya canshuuraha uu soo rogay Maraykanka, ayaa waxa sannadka 2026 oo keliya shaqooyinkoodii waqtiga buuxa waayay in ka badan 100 kun oo muwaadin. Warbixin la soo saaray Jimcihii ayaa muujinaysa in heerka shaqo la’aanta dalkaas ay gaartay 6.7 boqolkiiba.

Tiradan ayaa ah tan ugu sarreysa waddamada qaniga ah ee G7 marka laga reebo Faransiiska. Wixii ka dambeeyay xilligii masiibada COVID-19, bishii Febraayo ayaa la arkay kororkii ugu sarreeyay ee shaqo la’aanta, iyadoo saamaynta ugu weyn ay ku habsatay qaybaha ganacsiga jumlada iyo tafaariiqda.

Ra’iisul Wasaare Mark Carney oo ka jawaabayay warbixintan u dambaysay ayaa yiri: “Tallaabooyinka ganacsi ee Maraykanku ku soo rogay Canada waxay keenayaan isbeddel weyn oo xagga dhaqaalaha ah.” Isagoo la hadlayay saxafiyiinta xilli uu booqasho ku joogay dalka Norway maalintii Jimcaha, ayuu sidoo kale xusay in mushaharku uu guud ahaan dalka kordhay, heerka shaqo la’aantuna uu hoos uga dhacay 6.8 boqolkiiba oo uu joogay markii uu xafiiska la wareegay bishii Maarso 2025.

Khubarro dhinaca dhaqaalaha ah ayaa tilmaamay in tirooyinkan u dambeeyay ee shaqo la’aantu ay yihiin kuwo laga walaaco. Xisbiga mucaaradka ee Conservative-ka ayaa warbixinta ku tilmaamay “war naxdin leh.”

Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka Pierre Poilievre, oo Jimcihii la hadlay warbaahinta, ayaa eedda qayb ahaan dusha ka saaray hoggaanka Carney, isagoo sheegay in Canada dhaqaalaheedu uu yahay kan ugu liita dalalka G7.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker