Xamaas oo baaq u dirtay Iran

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa ugu baaqay Iran inay ka fogaato beegsiga dalalka dariska ah, iyagoo dhinaca kale ku nuux-nuux saday xaqa ay Jamhuuriyadda Islaamiga ahi u leedahay inay iska difaacdo Israa’iil iyo Maraykanka.

Ururka Xamaas ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay: “Iyadoo ay xoogga saarayso xaqa ay jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran u leedahay inay kaga jawaabto gardarradan hab kasta oo ay heli karto iyadoo lagu saleynayo xeerarka caalamiga ah, wuxuu dhaqdhaqaaqan ugu baaqayaa walaalahooda Iran inay ka fogaadaan inay beegsadaan dalalka dariska ah.”

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran, Tehran waxa ay bartilmaameedsatay dalal badan oo gobolka ah iyo saldhigyada Mareykanka ee dalalkan.

Saacadihii la soo dhaafay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in ay ka hortagtay oo ay burburisay Diyaarad Drone ah oo ku sugneyd Bariga dalkaasi.

Sidoo kale waxaa magaalada Dubia lagu qabtay gantaal saacadihii la soo dhaafay, waxaana qaybo ka mid ah ay ku dhaceen dhismo ku yaalla bartamaha magaalada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker