Marekanka oo weeraray Jasiiradda Kharg
Wax yar ka dib markii uu Jimcihii u duulay Air Force One kuna sii jeeday Florida, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Truth Social soo dhigay in ciidamada Maraykanku ay duqeeyeen jasiiradda Kharg ee dalka Iran.
“Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa fuliyay mid ka mid ah duqeymihii ugu xoogga badnaa ee taariikhda Bariga Dhexe, waxaana ay gebi ahaanba baabi’iyeen bartilmaameed kasta oo MILITARI ah oo ku yaalla jasiiradda Kharg ee Iran,” ayuu yiri Trump.
“Waxaan doortay inaanan baabi’in Kaabayaasha Shidaalka ee Jaziiradda, si kastaba ha ahaatee, haddii Iran, ama cid kale, ay sameeyaan wax kasta oo ay ku farageliyaan marinka xorta ah ee badbaadada leh ee maraakibta mara marinka Hormuz, waxaan isla markiiba dib u eegi doonnaa go’aankan,” ayuu sii raaciyay.
Iyaga oo ka jawaabaya, millatariga Iran waxa ay sheegeen in kaabayaasha shidaalka iyo tamarta ee ay leeyihiin shirkadaha la shaqeeya Maraykanka ” isla markiiba la burburin doono oo loo rogi doono meel dambas ah” haddii la weeraro xarumaha tamarta, warbaahinta maxalliga ah ayaa sidaas werisay.




