Lix askari oo Maraykan ah oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ciraaq

Lix askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa dhintay kadib markii ay la dhacday diyaarad milatari oo kuwa shidaalka diyaaradaha ku shuba ah (refueling aircraft) taasi oo ku burburtay galbeedka dalka Ciraaq, sida uu Jimcihii shaaciyay taliska militariga Maraykanka.

Diyaaradda oo ka mid ahayd nooca KC-135 ayaa burburtay Khamiistii, iyadoo dhacdadaasi ay ku lug lahayd diyaarad kale oo milatari, hase yeeshee ciidamada Maraykanku waxay sheegeen in shilkaasi aanu ka dhalan weerar cadow ama rasaas saaxiibtinimo oo kaga dhacday ciidamada gobolka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Dhexe ee ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa lagu sheegay in dhammaan lixdii xubnood ee shaqaalaha diyaaradda saarnaa ay ku geeriyoodeen shilka, isla markaana weli baadhitaan lagu hayo sababta rasmiga ah ee keentay burburka diyaaradda.

Sarkaal ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in diyaaraddii kale ee ku lug lahayd dhacdada ay sidoo kale ahayd nooca KC-135, balse ay si nabad ah u degtay.

Shilkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khasaaraha ciidamada Maraykanka kasoo gaadhaya howlgalka militari ee ka dhanka ah Iran, kaas oo billowday 28-kii Febraayo. Dhimashada lixdan askari ayaa ka dhigaysa tirada guud ee askarta Maraykanka ee ku dhimatay howlgalkaasi ugu yaraan 13.

Diyaaradda KC-135, oo ay soo saartay shirkadda Boeing, ayaa la dhisay intii u dhaxaysay dabayaaqadii 1950-meeyadii iyo horraantii 1960-meeyadii, waxaana loo arkaa laf-dhabarta nidaamka shidaal-siinta hawada ee ciidamada Maraykanka, maadaama ay u oggolaanayso diyaaradaha dagaalka inay hawlgallo masaafo dheer fuliyaan iyaga oo aan dhulka ku degin.

Dhanka kale, koox isku magacowday Islamic Resistance in Iraq, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin maleeshiyaad taageero ka hela Iran, ayaa sheegatay masโ€™uuliyadda soo ridista diyaaradda, inkasta oo ciidamada Maraykanku ay sheegeen in shilka aanu ka dhalan weerar.

Wararkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israaโ€™iil iyo Iran, iyadoo warar hore ay sheegeen in ku dhowaad 150 askari oo Maraykan ah ay ku dhaawacmeen dagaalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker