Hay”adda u doodda muslimiinta Maraykanka oo ka hortimid sharci ka dhan ah Soomaalida
CAIR-MN, oo ah hay’adda ugu weyn gobolka Mennisota ee u doodda xuquuqda madaniga iyo danaha Muslimiinta, ayaa cambaareeyay sharci uu soo jeediyay xildhibaan lagu magacaabo Pete Stauber.
Sharcigan oo lagu magacaabo “Stop Fraud by SOMALIA Act”, ayay ku tilmaameen magaca iyo qaabka loo soo bandhigay mid takoor iyo masuuliyad-darro weyn xambaarsan.
Hindisahan iyo bayaan la socda ayaa xafiiska Stauber uu daabacay 12-kii Maarso. Qoraalka rasmiga ah ee lagu shaaciyay ayaa xildhibaanku ku sheegay in soo jeedintan ay lagama maarmaan tahay sababo la xiriira khiyaano la sheegay inay inta badan geystaan dad Soomaali ah.
Bayaanka ayaa sidoo kale si weyn ugu faafay baraha bulshada. Qoraal lagu baahiyay baraha bulshada oo lagu xayeysiinayay hindisaha ayaa ku celiyay isla hadallada lagu beegsanayo Soomaalida ku nool gobolka Minneso. Qoraalkaas ayaa lagu yiri: “Waxaan u baahanahay Islaam-nacayb badan, ma aha mid yar.”
CAIR-MN ayaa sheegtay in hadallada ku jira bayaan-saxaafadeedka iyo qoraallada baraha bulshada ay si toos ah u bartilmaameedsanayaan qowmiyad dhan, isla markaana ay xoojinayaan sawirro iyo fikrado khaldan oo waxyeello leh.
Gobolka Minnesota waxaa ku nool mid ka mid ah bulshooyinka Soomaalida ee ugu waaweyn Mareykanka. Soomaalida ku nool gobolka ayaa ka shaqeeya waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, adeegyada dadweynaha, waxayna yihiin arday iyo waalidiin door muuqda ka qaata nolosha dhaqaale iyo tan bulshada ee gobolka.
“Khiyaano kasta waa in la baaro lana ciqaabo meel kasta oo ay ka dhacdo,” ayuu yiri Jaylani Hussein, agaasimaha fulinta ee CAIR-Minnesota. “Laakiin in sharci federaal ah lagu magacaabo dad gaar ah waa takoor aan la aqbali karin.
CAIR-MN ayaa sidoo kale ka digtay in hindisahan uu ka tarjumayo danaha sii kordhaya oo ka imaanaya siyaasiyiin ku sugan Washington, kuwaas oo si gaar ah u bartilmaameedsanaya Soomaalida iyo Muslimiinta ku nool Minnesota.
“Sharcigan keligiis ma taagna,” ayuu yiri Hussein. “Sannadkii la soo dhaafay waxaan aragnay sheekooyin siyaasadeed oo ka imanaya Washington, kuwaas oo Soomaalida Minnesota u sawiraya dad mar walba lagu tuhmo. Taasi waa arrin khalad ah, isla markaana khatar ah.”
Ururku wuxuu xusay in hadallada kicinta leh ee ka yimaada masuuliyiinta dowladda ay keeni karaan cawaaqib dhab ah oo khatar ku ah amniga bulshada.
“Taariikhdu waxay muujisay in marka masuuliyiinta la doortay ay sumcad dilaan bulshooyin, ay kordhaan dhibaataynta iyo hanjabaadaha loo jeediyo bulshooyinkaas,” Qoysaska Soomaalida ee Minnesota waa inaysan ka baqin in si wadajir ah loo eedeeyo falal la sheegay inay sameeyeen tiro yar oo shaqsiyaad ah,” ayuu yiri.
CAIR-MN ayaa ugu baaqday xubnaha Kongareeska inay diidaan hindisahan takoorka ah, isla markaana ay diiradda saaraan siyaasado xoojinaya kormeerka barnaamijyada dadweynaha iyagoo ixtiraamaya karaamada iyo xuquuqda madaniga ee dhammaan muwaadiniinta Mareykanka.




