UK oo dadkeeda ugu baaqday in aanay sawirin xaaladda UAE

Safaaradda United Kingdom ee ku taalla United Arab Emirates ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay sawirro qaadaan ama ay faafiyaan muuqaallo la xidhiidha colaadda ka socota gobolka.

Dalxiise British ah oo la sheegay inuu duubay gantaallo dulmaraya magaalada Dubai la rumeysan yahay inuu ka mid yahay in ka badan labaatan qof oo lagu soo oogay dacwad ku saleysan sharciyada dambiyada internet-ka (cyber crime).

Qoraal lagu daabacay baraha bulshada, safaaradda Britain waxay sheegtay in ku xadgudubka arrintan ay keeni karto ganaax lacageed, xabsi ama masaafurin.

Kooxda u dooda dadka lagu xidho Dubai ee Detained in Dubai ayaa sheegtay in ninkaasi tirtiray muuqaalka markii laga codsaday, isla markaana uusan ka lahayn wax ujeeddo khaldan ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker