Sida uu Putin ugu faa’ideysanayo dagaalka Iran

Waxay dhacday laba jeer toddobaad gudihii.

Wadahadal dhanka taleefanka ah oo dhex maray madaxweynayaasha Ruushka iyo Iran.

Iyadoo Mareykanka iyo Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha ka dhanka ah Iran, ayaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxa uu isu ekeysiiyay nabadoon caalami ah.

Taasi ma ahan mid si fudud dadka looga dhaadhicin karo.

Kremlin-ka ayaa ahaa kii amray duulaanka buuxa ee Ruushka ee ka dhan ahaa qaran madax-banaan sanadkii 2022.

Waagaas, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay waxa uu cambaareeyay duullaankii Ukraine oo uu ku tilmaamay mid xadgudub ku ah Axdiga Qaramada Midoobay.

Iyadoo Kremlin-ka uu hadda ku baaqayo “dejin degdega ah iyo xallinta siyaasadeed ee [khilaafka Iran]”, halka uu Ruushku wuxuu sii wadaa dagaalka uu ku hayo Ukraine.

Moscow waxay Iran la gashay heshiis “Iskaashi Istaraatiijiyadeed oo Dhamaystiran”. Toddobaadkan ayuu Putin dib u xaqiijiyay Kremlin-ka “taageerada aan kala go’a lahayn” ee Tehran. Laakin iskaashigoodu wuxuu aad uga hooseeyaa heshiiska is-difaaca.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker