Sida dagaalka Iran u saameeyay mid kamid ah ganacsiyada ugu wayn Itoobiya
Xiisadda ka taagan Bariga Dhexe waxay saamayn xooggan ku yeelatay duulimaadyadii ay samayn jireen shirkadaha diyaaradaha. Mid ka mid ah shirkadaha uu khasaarugu soo gaadhay waa shirkadda Ethiopian Airlines.
Madaxa ganacsiga ee shirkadda, Lemma Yadecha, ayaa BBC u sheegay in dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan oo galay maalintiisii lixaad uu dhaawac weyn ku keenayo hawlaha shirkadda iyo duullimaadyadii ay ku tagi jirtay waddamda ku yaalla Bariga Dhexe iyada oo qaada rakaab iyo noocyao kala duwan oo xammuul ah.
“Duullimaadyadii aanu ku tagi jirnay ilaa 10 magaalo oo ku yaalla Bariga Dhexe ayaan joojinnay laga soo bilaabo maalintii Sabtidii ee todobaadkan.”
Duullimaadyada la joojiyay waxa ka mid ah saddex duullimaad oo ay shirkaddaasi maalin walba ku tagi jirtay Dubai, halka Sharjah ay u duuli jirtay hal mar maalintii.
Si la mid ah waxa joogsaday saddex kale oo ay ku tagi jirtay Tel Aviv iyo isku darka saddex goor oo si maalinle ah ay rakaabka ugu qaadaysay magaalooyinka Abu Dhabi Cammaan.




