Maxkamadaha socdaalka Maraykanka oo si gaar ah u dedejinaya kiisaska muwaadiniinta Soomaalida
Qareeno dhanka socdaalka ah ayaa sheegay in maxkamadaha socdaalka Mareykanka ay si aan caadi ahayn u dedejinayaan jadwalka dhageysiyada socdaalka ee muwaadiniinta Soomaalida, taasoo dhalisay walaac ku saabsan in si gaar ah loo bartilmaameedsanayo Soomaalida.
Matthew Mockenhaupt, oo qareen u ah Soomaali badan, ayaa sheegay in iimaylkiisa ay si lama filaan ah ugu soo dhaceen boqolaal farriimood oo ay ku jiraan dhageysiyo muddo gaaban lagu qorsheeyay.
“Ku dhawaad 70 ilaa 80 ka mid ah macaamiishayda Soomaalida ah ayaa lagu qasbay dhageysiyo cusub oo si degdeg ah loo abaabulay,” ayuu yiri Mockenhaupt, isagoo intaa ku daray in arrintani ay u muuqato in maxkamadaha socdaalka ay u sameeyeen jadwal gaar ah muwaadiniinta Soomaalida.
Bishii Febraayo, idaacadda NPR ayaa warisay in qareeno ka shaqeeya gobollada Minnesota, Illinois iyo Nebraska ay sidoo kale sheegeen in macaamiishooda Soomaalida ah lagu hormariyay dhageysiyo hal ama labo bilood gudahood, inkasta oo dalka oo dhan ay jiraan malaayiin kiis oo weli sugaya dhageysi.
Qareenka Mockenhaupt ayaa arrintan ku tilmaamay mid jabinaysa dastuurka Mareykanka, isagoo sheegay: “Ma saxna in koox dhan si gaar ah loo bartilmaameedsado sababta oo ah jinsiyad, waxayna jabinaysaa qodobka ilaalinta sinaanta ee Dastuurka.”
Afhayeen ka tirsan hay’adda u xilsaaran maamulka maxkamadaha socdaalka ee DHS ayaa beeniyay in kiisaska qaarkood la dedejinayo, isagoo ku adkeeyay in dhammaan kiisaska lagu qaado si waafaqsan sharciga, islamarkaana waqtiga maxkamadeed ee codsiga magangelyada uu sharcigu u xaddido 180 maalmood.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in maamulka madaxweynihii hore, Donald Trump, uu cadaadis saaray garsoorayaasha socdaalka si ay u soo xiraan kiisaska, xitaa haddii muhaajiriintu ka soo horjeedaan, taasoo keentay in dad badan si degdeg ah dalka looga saaro.
Arrintan ayaa timid ka dib markii Trump uu soo jeediyay hadallo aflagaado ah oo ku saabsan dadka Soomaalida ah, islamarkaana uu joojiyay barnaamijka ilaalinta ee Temporary Protected Status ee Soomaaliya.
Mockenhaupt ayaa sheegay in xaaladaha macaamiishiisu ay kala duwan yihiin; qaar codsadeen magangelyo halka qaar kalena ay codsadeen barnaamijyo kale oo sharci ah. Waxaana sidoo kale la ogaaday in heerarka oggolaanshaha codsiyada magangelyada ay hoos u dhaceen sanadihii u dambeeyay, taasoo ka dhigaysa muhaajiriin badan kuwo ka baqaya inay tagaan dhageysiyada maxkamadda.




