Ilaa 100 xubnood oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga oo warqad qora

Shalay, waxaan tebinnay in xubnaha Dimuqraadiyiinta ee kongreska Mareykanka ay qoreen warqad ay ku dalbanayaan in jawaab laga bixiyo cidda ka dambeysay weerarkii lagu qaaday iskuulka gabdhaha ee Iiraan oo ay ku dhinteen ilaa 170 qof.

Hadaba kadib markii senatarrada Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka ay ku baaqeen in baaritaan lagu sameeyo weerarkii gantaalka ahaa ee lagu qaaday dugsigaas gabdhaha ee ku yaala magaalada Minab, in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiillada ayaa hadda codsi la mid ah ku gudbiyay warqad.

Khamiistii, xildhibaannadaa Iiraan-Amerikaanka ah, Yasmin Ansari, oo ka soo jeeda Arizona ayaa ku qortay barteeda X, inay ku biirtay kooxda wakiillada iyagoo dalbanaya in Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Pete Hegsett uu bixiyo faahfaahin buuxda oo ku saabsan weerarka, kaasoo dhacay saacadihii hore ee bilowgii dagaalka Israa’iil iyo Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan.

Maalmihii la soo dhaafay, warbixinno iyo caddeymo badan ayaa soo baxayay oo sheegaya in dugsiga gabdhaha lagu bartilmaameedsaday gantaal nooca loo yaqaan Tomahawk oo laga leeyahay Mareykanka, oo ay ku jirto warbixin ay soo saartay waaxda xaqiijinta wararka ee BBC, BBC Verify, oo baareysay sawirrada la heli karo, waxayna muujisay in gantaal nooca loo yaqaan Tomahawk oo laga leeyahay Mareykanka uu ku dhacay meel u dhow dhismaha dugsiga Shajarah Tayyiba ee magaalada Minab.

Shalay, Janeraal David Petraeus, oo ahaa agaasimihii hore ee CIA iyo taliyihii hore ee CENTCOM, ayaa BBC u sheegay in fikraddiisa ahaan, weerarku uu ka dhashay hawlgallada Mareykanka sababtoo ah, sida uu sheegay, ciidamada Mareykanka oo keliya ayaa haysta gantaallada Tomahawk cruise.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker