Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo sheegay in dagaalka la sii wadi doono, kuna baaqay in la xidho saldhigyada Maraykanka
Hoggaamiyaha cusub ee dalka Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay tan iyo markii loo magacaabay hoggaamiyaha sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, xilli dagaal xooggan uu ka socdo Bariga Dhexe.
Khudbad telefishinka qaranka laga sii daayay Khamiistii ayuu Mojtaba Khamenei ugu baaqay shacabka Iran inay muujiyaan midnimo qaran, isagoo sheegay in dalkiisu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro cadowgiisa.
Mojtaba Khamenei ayaa xilka la wareegay kadib markii aabbihii, hoggaamiyihii hore ee Iran Ayatollah Cali Khamenei, iyo xubno kale oo qoyskiisa ka tirsan lagu dilay duqeymo ay wadajir u fuliyeen Maraykanka iyo Israaβiil bilowgii dagaalka hadda ka socda gobolka.
Hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay in Iran ay sii wadi doonto xidhitaanka marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, kaas oo ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee ganacsiga shidaalka adduunka, si cadaadis loogu saaro cadowga.
Sidoo kale wuxuu ku hanjabay in dhammaan saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla Bariga Dhexe ay tahay in si degdeg ah loo xidho, haddii kale ay noqon doonaan badhtilmaameedyo weerar. βWaxaan doonaynaa in aanu saaxiib la ahaano deriskeenna, balse weerarrada ka dhanka ah saldhigyada Maraykanka ee gobolka way sii socon doonaan,β ayuu yidhi Mojtaba Khamenei.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Khamenei wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee Iran taageerto ee gobolka ay qayb ka qaadan doonaan dagaalka. Wuxuu xusay in xoogagga Xuutiyiinta Yemen βay qabsan doonaan waajibaadkooda,β halka kooxaha hubaysan ee Ciraaq ay sidoo kale βdoonayaan inay caawiyaan kacaanka Islaamiga ah.β
Dhanka kale, hoggaamiyaha cusub ayaa u mahadceliyay ciidamada milatariga Iran, isagoo ku ammaanay inay difaacayaan dalka xilli uu wajahayo cadaadis iyo weerarro dibadeed. βWaxaan u mahadcelinayaa dagaalyahannada geesiyaasha ah ee shaqada weyn qabanaya xilli dalkeenna uu ku jiro cadaadis iyo weerar,β ayuu yidhi, isagoo ballanqaaday in Iran ayna ka laaban doonin dagaalka.




