Soomaaliya oo Golaha Xuquuqda Aadanaha ka muujisay ballanqaad ku aaddan horumarinta xuquuqda aadanaha
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Golaha Xaquuqul insaaanka Qaramada Midoobay ee Geneva, Khadro Mohamed Dualle, ayaa khudbad ka jeedisay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM, iyadoo si adag u muujisay sida ay Soomaaliya uga goโan tahay horumarinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta iskaashiga beesha caalamka.
Danjiraaha waxay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si joogto ah u waddo dib-u-habeyn ballaaran oo lagu xoojinayo dowlad-wanaagga, laguna ilaalinayo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Waxay sidoo kale xustay in dadaalladaasi ay diiradda saarayaan koboc loo wada dhan yahay oo ka hirgala dhammaan gobollada dalka.
Khudbadda danjiraha ayaa sidoo kale timid xilli ay Soomaaliya sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay hayโadaha caalamiga ah. Waxay tilmaantay in hawlaha ay ka wadday dalka Switzerland ay qayb ka yihiin qorshaha lagu xoojinayo matalaadda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay iyo iskaashiga ay la leedahay beesha caalamka.
Danjiraha Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo hayโadaha caalamiga ah wada-hadallada wax-dhiska ah iyo iskaashiga joogtada ah ee ay la leeyihiin Soomaaliya.
Waxay sheegtay in iskaashiyadaas, oo ay ka mid yihiin goโaanno wadajir ah oo Qaramada Midoobay dhowaan ansixisay si Soomaaliya loogu taageero arrimaha xuquuqda aadanaha, ay door muhiim ah ka ciyaaraan soo kabashada dalka iyo dhismaha hayโadaha dowliga ah.
Gabagabadii, danjiraddu waxay mar kale xaqiijisay in Soomaaliya ay sii wadi doonto wada-shaqeyn dhow oo hufan oo ay la yeelato United Nations iyo beesha caalamka si loo hormariyo nabadda, xasilloonida gobolka iyo horumar waara.




