Maraykanka oo laga yaabo inuu dib u eego siyaasaddiisa Soomaaliya; Somaliland oo u ololeysanaysa aqoonsi – Bloomberg
Somaliland ayaa kordhisay dadaallada ay ku doonayso in ay ka hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo si gaar ah u wajahday maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, xilli ay isa soo tarayaan hadallada iyo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Washington ka imanaya.
Warbixin ay daabacday Bloomberg ayaa sheegtay in khubaro Maraykan ah oo ku dhow xisbiga Jamhuuriga ay bilaabeen in ay si cad u taageeraan doodda Somaliland ee ku aaddan in loo aqoonsado dal madax-bannaan. Khubaradaas waxaa ka mid ah J. Peter Pham, oo hore u ahaa ergaygii Maraykanka u qaabilsanaa gobolka Saaxil iyo Harooyinka Waa-Weyn intii uu Trump xilka hayay, iyo Tibor Nagy, oo ahaa kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika.
Somaliland ayaa sidoo kale qandaraas la gashay shirkado la-talineed iyo ololeeyayaal siyaasadeed si ay u gaadhsiiso fariinteeda Washington. Waxaa ka mid ah shirkadda FGS Global, oo u qaabilsan in ay la shaqeyso maamulka Trump, iyo shirkadda la-talinta Panterra, oo xarunteedu tahay London sida ay Bloomberg sheegtay. J. Peter Pham ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo aad u weyn. “Haddii laga hadlayo goobaha istaraatiijiga ah, way adag tahay in meel ka wanaagsan Somaliland la helo,” ayuu u sheegay Bloomberg.
Wuxuu xusay in Somaliland ay leedahay mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu gagada dhaadheer Afrika, oo dhererkiisu gaadhayo ku dhawaad 5,000 mitir, iyo sidoo kale deked biyo-qoto dheer leh oo ku taalla magaalada Berbera, taas oo ay maamusho shirkadda DP World.
Dhinaca siyaasadda Maraykanka, Senatarka Jamhuuriga ah ee Ted Cruz, oo guddoomiya guddiga hoosaadka Afrika ee Aqalka Sare ee Maraykanka, ayaa bishii Agoosto warqad u diray Trump, isagoo ku booriyay in uu aqoonsado Somaliland.
Trump ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga niyad jabsan yahay joogitaanka milatari ee Maraykanka ee Soomaaliya oo socday ku dhawaad 30 sano. Inkastoo uu dhaliilay siyaasaddaas, haddana maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya. Xog ay ururisay hay’adda New America Foundation ayaa muujisay in Maraykanku fuliyay 162 duqeyn oo cirka ah oo ka dhacay Soomaaliya, taas oo saddex jeer ka badan tiradii la fuliyay xilligii maamulka Joe Biden.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in dowladda Maraykanku ay u dirtay sarkaal sare oo hore uga tirsanaa sirdoonka si uu u sameeyaan qiimeyn ku saabsan xaaladda Somaliland, taasi oo muujinaysa xiisaha sii kordhaya ee Washington ay u qabto gobolka.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay Maraykanka siiso fursado istaraatiiji ah oo ay ka mid yihiin helitaanka khayraad dabiici ah sida macdanta dhifka ah iyo shidaalka oo aan weli si buuxda loo sahamin. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in xitaa suurtagalnimada saldhig milatari oo Maraykanku ka sameysto Somaliland ay ka mid tahay arrimaha miiska saaran.
“Maraykanku wuu ka daalay taageerada uu siinayo dowladda fashilantay ee Muqdisho,” ayuu yidhi wasiir Cabdi. “Waxay ku bixiyeen lacag iyo taageero milatari muddo dheer, balse wax isbeddel ah ma dhicin. Isbeddel siyaasadeed ayaa soo socda.”
Hadaladan ayaa imanaya xilli Somaliland ay muddo ka badan soddon sano u ololeysanaysay aqoonsi caalami ah, iyadoo ku doodaysa in ay leedahay nidaam dimuqraadi ah, xasilooni amni iyo hay’ado dowladeed oo shaqeynaya marka loo eego inta badan Soomaaliya.




